Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in Wabiga Shabelle uu fatahaad hor leh ka sameeyay xaafado ka tirsan magaaladaas, iyadoo dadkii ku noolaa ay ka barakaceen.

Sida wararku sheegayaan daadadka ka dhashay fatahaada wabiga ayaa gudaha u galay xaafadaha Suuqa weyn ee khudaarta ee Beledweyne, Xaafada Buundaweyn, gaar ahaan qeybta Fiiltare.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dadkii degenaa xaafadaha uu saameeyay fatahaada ay isaga barakaceen, iyagoo u qaxay dhanka bari ee magaalada.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in fatahaada wabiga Shabelle ay ku barakaceen 50-kun oo ruux, sidoo kalena laga cabsi qabo inay sii kordhaan in dad kale ka barakacaan fatahaada wabiga Shabelle.

Magaalada Beledweyne ayaa sanadihii u dambeeyay saameyn ku yeeshay fatahaada wabiga Shabelle, waxaana marka la galo xilli roobaadka wabiga ayaa aad u biyo keena, isla markaana fatahaado ka geysta.