Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle iyo hay’adaha bahwadaagta kula ah dhismaha golayaasha deegaanka ayaa maanta si rasmi ah ugaga daahfurtay magaalada Buulo-burte barnaamijka wacyigelinta Golaha Deegaanka.

Illaa boqol ruux oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Buuloburte ee gobolka Hiiraan ayaa ka qeybgalay kulanka daahfurka wacyigelinta .

Guddoomiyaha kumeelgaarka ah ee degmada Buuloburte Liibaan Cabdi Burusow oo si rasmi ah u daahfuray wacyigelinta dhismaha golaha deegaanka ayaa ugaga mahadceliyay qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Buuloburte sida ay diyaarka ugu yihiin dhismaha golaha deegaanka oo ah mid horumar u ah degmada.

“Dhismaha Golaha Deegaanka degmada Buuloburte waxa ay horseedeysaa sidii horumar ay u gaari lahayd bulshada waana nasiib wanaag inay degmadan noqoto tii labaad ee laga dhiso gole deegaan guud ahaan maamulka Hirshabelle.”ayuu yiri kusimaha guddoomiyaha degmada Buuloburte Liiban Burusow.

Guddoomiyaasha Ururada dhalinyarada iyo Haweenka degmada Buulo burte oo kulankan ka hadlay ayaa soo dhoweeyay barnaamijka dhismaha golaha deegaanka degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan,iyagoo ku baaqay in la ilaaliyo qoondada dhalinyarada iyo haweenka ay ku leeyihiin golaha deegaanka.

Odayaasha dhaqanka degmada bulo-burte ayaa soo jeediyay in la dadajiyo dhismaha Golaha deegaanka waxana ay dadka reer bulo burte kula taliyeen in ay kaalintooda qaataan madaama ay dhimaha golaha deegaanka ay faa ido u tahay Bulo burte.

Degmada Buulo-burte ayaa lagu wadaa in ay noqoto degmada labaad ee laga dhiso golaha deegaanka degmooyinka dowlad goboleedka Hirshabelle,iyadoo hore loogaga dhisey gole deegaan degmada Warsheekh.