Isku socodka gaadiidka wadada laamiga ah ee burbursan iskuna xirta magaalada Muqdisho iyo magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa joogsatay kadib markii ay fatahaada wabiga Shabelle ay saameyn ku yeesheen.

Biyo faro badan oo ka soo fatahayay wabiga Shabelle labadii bilood ee la soo dhaafay ayaa soo gaaray wadada laamiga ah gaar ahaan inta u dhexeysa Ceelka-Geelow iyo deeganka Gololey.

Gaadiidka isaga kala goosha magaalada Jowhar iyo Muqdisho ayaa maanta marayay waddo kale oo wareeg ah sida uu u sheegay shabakada jowhar.com weriye saaka ku safray wadadan.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ayaa saldhigyo ku leh halka ay biyuhu soo gaareen haatan waxaana laga cabsi qabaa in ay ciidamadaas ka guuraan saldhigyadaas.

Askartan ayaa ka ilaalisa wadada in lagu xiro miino maadaama hore miinooyin lagu xirey ay u geysteen qasaare ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalidaba.

Gaadiid badan ayaa ku xayiran wadada laamiga ah sababo la xiriira burburka wadada iyo roobka deyrta oo sanadkan aaranka noqday.