Madasha Xisbiyada Qaran ayaa xalay kulan ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho ku magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha, iyadoo gargaar ka socda Madasha oo loogu tala galay dadka ku barakacay fatahaadaha la geyn doono deegaano ka tirsan gobolada dalka.

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hoggaaminaya xubnaha Madasha ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Beledweyne, waxaana safarkan uu yahay mid qiimeyn iyo gaarsiin gargaar sama fal ah.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha maanta tagaya Beledweyne uu ku jiro Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay inay qeyb ka yihiin dadaalada loogu gurmanayo dadka ku barakacay fatahaadaha, waxaana madasha gaarsiin doonaan gargaar kala duwan deegaanada ay fatahaadaha ka dhaceen.