Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo ay ka jiraan xaalado bano’aadnaimo oo ka dhashay fatahaadii wabiga Shabeelle.

Wafdiga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa lagu waday inay Beledweyne tagaan Khamiistii la soo dhaafay, hase ahaatee roobab saacado badan ka da’ay magaalada Beledweyne uu sababay inuu xirmo garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Sidoo kale wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa dhowaan ku dhawaaqay inay ugu deeqeen gurmadka fatahaada Wabiga lacag gaareysa $200,000 oo dollar, isla markaana magacaabay Guddiga Gurmadka fatahaada Beledweyne.