Wafdigii Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhow ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaddib muddo saacado ah oo lagu xanibay garoonka subaxnimadii hore ee saaka.

Sida ay wararku sheegayaan dheer kaddib ayaa loo ogolaaday wafdiga inay safri karaan, waxaana markii hore la sheegay inuu jiray amar ka yimid dhanka dowladda oo ahaa in aanay garoonka ka dhoofi karin wafdiga.

Wafdiga ka socda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa hoggaaminaya Guddoomiyaha Madasha Sheekh Shariif, waxaana wehliya Madaxweynihii hore Xasan Sheekh, Xildhibaan C/qaadir Cosoble iyo xubno kale.

Tallaabada ayaa markii hore sababtay jawhareer, iyadoo madaxdii hore iyo wafuudii la socotay ay ku adkeysteen in aanay garoonka ka bixi doonin, illaa ay diyaaradda ka raacaan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa saaka lagu waday inuu u ambabaxo magaalada Beledweyne, hase ahaatee markii dambe ka baaqday.

Arrintan ayaa u muuqatay loolan labada dhinac, dowladda iyo Madasha Xisbiyada Mucaaradka, waxaana dad badan ay dhaliileen tallaabada siyaasadeysan ee lagu hor-istaagay wafdiga Madasha Xisbiyada Qaran ee gurmadka u waday Beledweyne.