Wararka ka imanaya magaalada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in uu dhaawac culus oo soo gaaray guddoomiye ku xigeenkii gobolka  Sh/hoose Cumar Carabey uu u dhintey dhaawacaas kadib markii  weerar bam  lagu qaaday guriga uu ka degenaa magaalada Afgooye.

Sidoo kale weearkan ayaa waxa ku dhaawacmay saddex ruux  oo isugu jirey ilaalada Guddoomiye ku xigeenka iyo qof kale oo guriga ku sugnaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray guriga Guddoomiyaha lagu dhaawacay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Afgooye iyo kan gobolka Sh.hoose ee ku saabsan weerarkan lagu qaaday guriga guddoomiye ku xigeenka.