Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya iney jirto xiisad salka ku heyso weerar dhimahso iyo dhaawac sababay oo xalay ka dhacay duleedka degmada Guriceel.

Sida wararku sheegayaan, weerarka oo ka dhacay deegaanka Balli-howd ayaa sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca ruux kale, iyadoo dadka waxyeelada gaartay ay ahaayeen dhalinyara ku caweyneysay meel bannaan ah.

Maleeshiyaad ku hubeysan qoryaha fudud ayaa mar kaliya rasaas ku boobay dadkan, kuwaasoo weerarka kadib goobta isaga cararay, waxaana halkaasi markii danbe gaaray Ciidamo deegaanka ah oo gurmad u fiidyay dhibanayaasha.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa saaka ku soo waramaya in deegaanka Balli-howd oo ku yaalla duleedka degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ka taagan tahay xiisad salka ku heysa weerarka xalay, iyadoo dadka ay soo xusuusisay dhacdadan dil 19-kii Bishii June sanadkan 2019 loo geystay Saddex Ruux, wuxuuna la xiriiray aanooyin Qabiil.

Maamulka deegaanka Balli-howd iyo kan gobolka Galgaduud weli kama hadlin weerarkaasi qofka lagu dilay midka kalena lagu dhaawacay, waxaana wararkii ugu dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya deegaankaas ay sheegayaan inay socdaan waan waan xal loogu raadinayo qaboojinta Xiisada.