Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada ammaanka Boosaaso ee Puntland iyo maleeshiyo hubeysan ayaa ka dhacay magaalada Koontaroolka magaalada laga soo galo, kaddib markii maleeshiyo hubeysan oo dhanka Carmo ka yimid ay weerareen ciidanka joogay Koontaroolka magaalada.

Warbaahinta maxaliga ee Puntland ayaa sheegaya in maleeshiyadan gudaha u galay magaalada uu hoggaaminayay Nin lagu magacaabo Ciise Yulux.

Maleeshiyada hubeysan ayaa la sheegay inay gurmad u aheyd Ciidamo ay leedahay Hey’ad heysatay saadka Ciidamada Badda oo la sheegay inay saaka xiratay waddooyinka Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya inay magaalada ka taagan tahay xiisad ka dhalatay qandaraas lagala laabtay Hey’adda PDG oo heysatay saadka Ciidamada Badda Puntland ee ay tababartay Shirkadda Saracen.

Baraha bulshada ayaa la soo dhigay sawirro Maleeshiyo hubeysan oo wata gaadiid dagaal oo gudaha u galaya magaalada Boosaaso.

Xaalada magaalada ayaa ah mid degan, inkastoo laga cabsi qabo in maleeshiyada hubeysan ee magaalada dhinaceeda ku sugan inay isku dhacaan Ciidamada Puntland.