Dagaal u dhaxeeyay Ciidanka xoogga dalka, kuwa Daraawiishta Jubbaland oo dhinaca ah iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubadda Hoose.

Dagaalkan ayaa yimid, kaddib markii ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo howlgallo amni ka waday agagaarka deegaanka Baar Sanguuni ay weerar kala kulmeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka labada dhinac ay isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la soo sheegayaa inuu jiro khasaare ka dhashay dagaalka, balse aan la cadeyn karin inta uu la eg yahay.

Hase ahaatee Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegay in dagaalka ay ku dileen shan askari, kuna dhaawaceen sagaal kale.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa maalmihii la soo dhaafay howlgalo ka wada deegaano ka tirsan Jubadda Hoose, waxaana maalmo ka hor la sheegay in ciidamada la wareegeen tuulooyin ku dhow degmada Jamaame.