?

Guddoomiyaha degmada jalalaqsi Maxamed Nuur cagajoof ayaa ka hadlay dagaal saaka ka dhacay degmada jalalaqsi ee gobolka hiiraan oo u dhexeeyay ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee dalka Jabuuti iyo ciidamo Boolis ah.

Guddoomiye cagajoof ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid si kedis ah uga dhacay saldhiga booliska degmada jalalaqsi,waxaana uu sheegay in uusan jirin wax qasaare ah oo ka dhashay dagaalkaas,hase yeeshee inta uusan dhicin iskahorimaadka uu qarax miino ah uu ku dhintey mid ka mid ah dadka rayidka ah ee magaalada jalalaqsi.

“Dagaalka waxa uu ahaa mid si kedisa ah ku bilowday waxana uu ka dhashay ismaandhaaf salka ku haya ka saarista hawada isgaarsiinta.”ayuu yiri guddoomiyaha degmada Jalalaqsi.

Maamulka degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in ay xaliyeen khilaafka soo kala dhex galay ciidamada booliska iyo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee dalka Jabuuti.

Ciidamada amisom ee ku sugan degmada jalalaqsi ayaa ka soo guuray dhowaan dhinaca bari ee degmadaas iyo weliba saldhigga Booliska degmada Jalalaq ee gobolka Hiiraan.