Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ayaa haatan ka socota magaalada Kismaayo, iyadoo ammaanka xarunta doorashada ka dhaceyso ay si wadajir ah u sugayaan Ciidamada Booliska AMISOM iyo Ciidanka Booliska Jubbaland.

Doorashada ayaa waxaa ku tartamaya afar musharax, iyadoo uu goor dhow ka tanaasulay Musharax Maxamed Cumar Geeddi.

Saddexda Musharax ee isugu soo haray ayaa waxay kala yihiin Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Canab Maxamed iyo Maxamuud Maxamed.

Xildhibaanada ayaa mid mid loogu yeerayaa, si ay codkooda u dhiibtaan, waxaana si toos ah looga daawanayaa Telefishinada Maxalliga ah.

Doorashada ayaa waxaa goobjoog ka ah Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ee taageersan hannaanka doorashada uu waday Guddiga Madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.

Inkastoo doorashadan ay cadahay in Axmed Madoobe ku guuleysanayo iyo in markii saddexaad uu noqonayo Madaxweynaha Jubbaland ayaa hadana waxaa la is weydiinayaa sida uu u kasban karo una soo jiidan karo dhinacyada ka soo horjeeda oo iyana doonaya inay Madaxweyne kale doortaan.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo la xiray dhammaan waddooyinka soo gala magaalada, dhaq dhaqaaq kastana waa la xadiday, waxaana maalin ka hor magaalada laga xiray cirka, dhulka iyo badda in aan laga soo geli karin, lagana bixi karin, inta lagu guda jiro doorashada Madaxweynaha.