Qaban qaabadii u dambeysay ee xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka socota magaalada Kismaayo, iyadoo la filayo in xaflada ay dhacdo gelinka dambe ee maanta oo Sabti ah.

Xaflada caleema saarka ayaa ah mid si aad ah isha loogu haayo, gaar ahaan khudbadaha ay ka jeedin doonaan Madaxdii hore ee Soomaaliya, Madaxweynaha Puntland iyo siyaasiyiin.

Labo jeer oo hore ayay dib u dhacday xaflada caleema saarka, sababo ku aadan cadaadis ka yimid dowladda Federaalka, kaddib markii ay xayiraad saartay diyaaradaha Kismaayo.

Hase ahaatee Maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in si uu u jebiyo xayiraadaas uu soo iibsaday diyaarad, taasoo wafuudii ugu horeysay keentay todobaadkii hore Kismaayo, halka Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ay ka soo qaaday Garowe.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo wafdigii ugu badnaa ay ku sugan yihiin magaalada, waxaana waddooyinka lagu arkayay ciidamo kala duwan oo amniga sugaya, sidoo kalena baaritaan ku sameynaya gaadiidka kala duwan.