Kaddib roobab saacadihii la soo dhaafay ka da’ayay magaalada Beledweyne ayaa waxaa uu sababay inuu xirmo garoonkii diyaaradaha Ugaas Khaliif, taasoo hakad gelisay diyaarado gargaar oo saaka ka degi lahaa garoonka.

Sida wararku sheegayaan roobab xooggan oo in ka badan 8 saac ka da’ayay magaalada Beledweyne iyo duleedkeeda ayaa sababay inuu biyo dhigo dhabbihii ay diyaaradaha ku degi lahaayeen, maadaama run-wayga garoonka ee diyaaradaha ku degaan uu yahay Jaay.

In mar kale garoonka diyaaradaha Beledweyne uu xirmo waxay ka dhigan yahay inay adkaan doonto gargaarkii la gaarsiin lahaa dadkii ku barakacay fatahaadihii wabiga Shabelle.

Wafdi ka socda Madasha Xisbiyada Qaran oo uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka baaqday safar ay ku tagi lahaayeen magaalada Beledweyne, si ay qeyb uga noqdaan gurmadka fatahaadaha.

Dadka Reer Beledweyne ayaa waxaa xilligaan heysta dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira fatahaada Wabiga Shabelle uu ka geystay degmadaas iyo inuu xirmay Garoonkii Diyaaradaha taas oo hakad gelineysa in gurmad la gaarsiiyo.