Magaalada Dhuusamareeb ayaa saacadihii la soo dhaafay gashay xaalad cabsi ah oo ka dhalatay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeday, kaddib markii gelinkii dambe ee shalay rasaas laga maqlay bartamaha magaalada, taasoo ka dhacday hal qori.

Wararka ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaqyadan ay qeyb ka yihiin xiisadaha siyaasadeed ee labadii maalmood ee la soo dhaafay ka jiray magaalada.

Rasaas ayaa laga maqlay shalay goob ku dhow xarunta INJI oo uu degan yahay Madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir, rasaastaas ayaa waxaa riday askari ka tirsan Ciidanka dowladda oo ilaalo ka ahaa Xarunta Shiirkole oo ammaankeeda ay horay dowladda ula wareegtay.

Rasaasta ayaa la sheegay inay sababtay in qolo kasta ay qeyla-dhaan dirsato waxaana goobta ay wax ka dhaceen soo buux-dhaafiyay Ciidamo labada dhinac kala ah.

Taliyaha Booliska Dhuusamareeb C/llaahi Xasan Macalin ayaa sheegay in xaalada magaalada Dhuusamareeb ay tahay mid degan, wixii shalay dhacayna aanay aheyn wax sidaa u weyn, lana xaliyay.

Ka sokow dhaq dhaqaaqyada ciidan ee magaalada gashay waxaa barbar socday kulamo iska soo horjeeday oo lagu soo dhoweynayay Guddiyada labada dhinac ee ay kala magacaabeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug.

Xaalada magaalada ayaa saaka ah mid caadi ah oo ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha ay socdaan, waxaana dhinaca kale la dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo magaalada ka jira, kaddib markii saakay Gaadiid dagaal oo ay wateen Ciidanka xoogga dalka ee 21aad ay gudaha u soo galeen magaalada.