Kulan ay isugu yimaadeen Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Soomaaliya, Guddiyada Olimbikada iyo Xiriirada kala duwan ayaa looga hadlay baaqashada ciyaartii kama dambeysta aheyd ee tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir oo habeen hore dib u dhacday, kaddib markii ay korontada ka tagtay garoonka intii ciyaarta socotay

War murtiyeed ka soo baxay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga oo ka koobnaa 9 qodob ayaa looga mahad celiyay wada shaqeynta Wasaaradda la leedahay dowlad goboleedyada iyo xiriirada kubadda cagta mudadii ay jirtay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Sidoo kale war murtiyeedka ayaa looga dalbaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir kulan degdeg ah si loo xaliyo arrimaha taagan.

Halkan hoose ka akhriso war murtiyeedka: