Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa uga digay Ahlusuna inay fashiliyaan hannaanka geeddi socodka dhismaha Maamulka Galmudug.

Mr Sabriye oo xalay ka hadlayay magaalada Guriceel ayaa sheegay in sida ay haatan wax u wadaan Ahlusuna aanay ka turjumeyn arrimihii masiiriga ahaa ee go’aanka laga gaaray.

“Waxa aan arkeyno maanta ma ahan Ahlusuna sidii aan ku soo wada bilownay, kama turjumeyso arrimihiisa masiiriga ahaa ee aan go’aanka ka gaarnay, Umadda Galmudug u sheegnay, waa dib u noqosho Dhaqanka Ahlusuna ka muuqdo waa dib u noqosho, waxaa leenahay walaalaheena ha bariiqanina jid fiican ayaa ku taagneyn, ha sababina idinkoo mid yar idin gaar ah meel ciriiri ah ku jirta labadaan farood ku raadinaya in aad Galmudug fashilisaan”ayuu yiri Wasiir Sabriye.

Waxaa uu sheegay in ka dowlad ahaan ay ka shaqeynayaan in wanaaggii la wada bilaabay lin agu wada noqdo, isla markaana tabashooyinkooda ay kala fariistaan.

Hadalka ka soo yeeray Wasiirka ayaa ku soo aaday shaqaaqooyin saacadihii la soo dhaafay ka dhacday Matabaan iyo Guriceel, isla markaana uu bilowdo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda iyo cabsi laga qabo dagaalo ka dhaca deegaanada ay labada dhinac ku wada sugan yihiin.

Wasiirka Arimaha gudddaha soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda iyo Ahlusunna ay wanaagii wax ku billowdeen kuwada dhameeyaan.

Wasiirka Arimaha gudddaha soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda iyo Ahlusunna ay wanaagii wax ku billowdeen kuwada dhameeyaan.

Publiée par Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed sur Samedi 2 novembre 2019