Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo shalay safar ku tagay magaalada Boosaaso ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Shir jaraa’id oo uu qabtay Garoonka diyaaradaha ku qabtay abaarihii xilliga Maqribka ayuu Wasiir Cawad kaga warbixiyay safarkooda Boosaaso iyo kulankii ay la yeesheen Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni.

Mr Cawad ayaa sheegay in safarkooda ahaa sidii ay uga shaqeyn lahaayeen in la isku soo dhowaado, isla markaana la xaliyo khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Puntland.

“Waxaa ku warbixineynaa socdaalkii aan shalay ku tagnay Boosaaso, waxaa mahad gaar u celineynaa Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, iyagoo ka duulaya baahida loo qabo in la helo xasilooni siyaasadeed, madaxda dalka ay wada shaqeeyaan, maamulka Puntland aan kala soo shaqeyno sida la isugu soo dhowaan lahaa, waxaa u mahad naqeynaa Madaxweyne Saciid Den,i isagana si fiican noo soo dhoweeyay.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in guul fiican ay ka soo gaareen safarkooda Punyland, isla markaana ay kala shaqeynayaan Madaxweynaha Puntland iyo Maamulkiisa sidii la isku soo dhowaan lahaa..

“Socdaalkeena oo ujeedadiisa aheyd inaan la kulano Madaxweynaha Puntland iyo maamulkiisa oo aan ka shaqeyno sidii la isugu soo dhowana lahaa, arrintaas guul fiican ka soo gaarnay, Madaxweyne Saciid Deni aad buu u soo dhoweeyay aad uga shaqeyn doono isu soo dhowaanshah,  yareynta khilaafka iyo abuurida kalsooni dhex marta Puntland iyo Federaalka”ayuu yiri Wasiir Cawad.

Inkastoo Wasiir Cawad uu caddeeyay inuu guul ugu soo dhamaaday safarkii Boosaaso, hadana waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu natiijo la’aan ku soo dhamaaday kulankii ay la yeesheen Madaxweynaha Puntland, gaar ahaan ujeedada ugu weyn ee safarkooda oo ahaa in Madaxweyne Saciid Deni ka baaqsado safarkiisa Kismaayo iyo ka qeyb galkiisa caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dowladda Federaalka aanay aqoonsaneyn.