Ciidamada ilaalada u ah wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan iyo ciidamo dhowaan gadood sameeyay ayaa isku rasaaseeyay deegaanka Carmo ee Maamul goboleedka Puntland.Iskahorimaadkan ayaan la ogeyn khasaaraha ka dhashay iskahorimaadkan.
Qaar ka mid ah oday dhaqameedyada Puntland ayaa ku guuleystey in ay kala dhexgalaan ciidamada israsaaseyntu dhex martay.

Iskahorimaadkan ayaa waxaa uu ahaa mid la xiriiray gadood ay ku kaceen dhowaan ciidamo daraawiish ah kuwaasoo galay magaalada Boosaaso.

Ciidamada gadoodka ku jira ayaa hore waxaa uu iskahorimaad ku dhex maray bar koontarool oo ku taal magaalada Boosaaso.