Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda Aadanaha Marwo Deeqa Yaasiin ayaa Maanta oo Axad ah ku dhowaaqday soo saarista billowga diyaarinta sharciga Qaran ee xuquuqda naafada Soomaaliya.

War-murtiyeed kasoo baxay munaasabad lagu shaacinayo geeddi-socodka diyaarinta hindise-sharciyeedka Qaran ee naafada Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho ayaa lagu sheegay in uu sharcigani si buuxda ula jaan-qaadi doono ballanqaadyadii ku xusnaa heshiiska Qaramada Midoobay ee Dadka naafada ah (CRPD).

Wasiir Deeqa, ayaa sheegtay in ansixinta heshiiska Qaramada Midoobay ee xuquuqda Dadka naafada ahi uu fure u yahay sugidda iyo dedaallada loogu jiro kor u qaadidda xuquuqda Dadka baahiyaha gaarka ah qabo.

“Ballanqaadyadeenna ah inaan horumarino oo aan ilaalinno xuquuqda Dadka naafada ah waa mid aan kala go’ lahayn, Maanta waxaan billaabeynaa Cutub cusub oo ku saabsan xuquuqda Dadka naafada ah”,ayay tiri Wasiiraddu.

Marwo; Deeqa ayaa sheegtay in Dadka naafada ahi ay si buuxda uga qeyb qaadan doonaan lagana tala gelin doono geeddi socodka diyaarinta hindise-sharciyeedka si loo hubiyo lahaanshahooda buuxa iyo ixtiraamka mabaadii’da aasaasiga ah.

Diyaarinta hindise-sharciyeedka Qaran ee naafada Soomaaliya ayaa imanaysa xilli ay Soomaaliya ku guda-jirto dhaqan gelinta axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda Dadka naafada ah.

Soomaaliya waxaa ay axdigan saxiixday 2-dii Octoobar 2018-kii Baarlamaanka ayaa meelmariyay 18-kii May 2019-ka, iyadoo uu Madaxweynahuna oggolaaday 21 Juun 2019.