Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta shaaciyay dalka ugu badan ee deynta ku leh dalka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Beyle wasiirka Maaliyada oo maanta kulan uu ugaga warbixinayay waxqabadkii bishii la soo dhaafay ee wasaarada maaliyada ayaa ku sheegay in dalka Maraykanka uu yahay dalka ugu badan ee deynta ku leh dalka Soomaaliya.

“Maraykanka waxa aan ka qabnaa lacag gaareysa gaareysa 1 Bilyan oo Dollar,Ruushkana 700 oo Milyan wadanka Talyaaniga lix boqol oo malyan oo dollar dalka Faransiiskana 400 oo malyan.”ayuu yiri Wasiirka Maaliyada Soomalaiya Cabdiraxmaan Beyle.

Hase yeeshee wasiirka ayaa xusay in wadamada deynta ku leh Soomaaliya ay la shireen ayna go’aan kugaareen in Soomaaliya deynta laga cafiyo.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Aduunka ee Muqdisho yimid uu sheegay in Soomaaliya ay u hayaan lacag dhan 700 oo milyan oo ay heleyso Saddexda sano ee soo socota.