Wasiirkii hore ee Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kaddib doorasho maanta ka dhacday Kismaayo.

Daahir Geelle ayaa u rajeeyay madaxweynaha dib loo doortay inuu Alle ula garab galo, waxaana uu boggaadiyay hannaankii ay u dhacday doorashada iyo sida Guddiga doorashada u agaasimeen.

Waxaa uu ugu baaqay bulshada reer Jubbaland inay ka shaqeeyaan Midnimada iyo degenaanshaha, waxaana uu kula dardaarmay Maamulka inuu ka soo baxo waajibaadka loo igmaday ee uu bulshada ku gaarsiin lahaa adeegyadii aas aasiga ahaa.

Ugu dambeyn waxaa uu kula dardaarmay Madaxweynaha dib loo doortay iyo Guddoonka Baarlamaanka inay ka shaqeeyaan Horumar iyo midnimo.