Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa u magacaabay wiil uu dhalay Duqii hore ee Muqdisho Eng. Yariisow Xilka Xoghayaha 1aad ee Ergada Soomaalida u fadhisa Qaramada Midoobey ee New York.

Maxamed C/raxmaan Yariisow ayaa ka mid noqonaya Ergada Soomaaliya ku matali doonta Qaramada Midoobey, isagoo la shaqeyn doona Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Amb. Abuukar Baalle.

Wareegtada lagu magacaabay ayaa loo diray Hey’addaha kala duwan ee dowladda si ay ugu fududeeyaan waajibaadkiisa, waxaana lagu ogeysiiyay magacaabidiisa Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha iyo hey’addaha kale.