X aflada Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka bilaabatay Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Waxaa ka qeyb galaya Xafladda Caleema saarka siyaasiyiin, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole, Wafdi ka socda dowladda  Kenya iyo marti sharaf kale.

Munaasabadan ayaa waxaa si toos ah looga daawanayaa qaar ka mid ah taleefishinada dalka iyadoo dowlada federalka ay aad ugaga soo horjeedo caleemasaarkan.