Guddiga farsamada Maamul dhisida Galmudug ayaa maanta ka bilaabay magaalada Dhuusamareeb xareynta odayaasha saxiixayaasha Galmudug.

Duqeydan oo dhowaan magacyadooda la shaaciyay ayaa la dejiyay deegaano loo qorsheeyay oo amnigooda la adkeeyay.

Odayaasha ayaa lagu wadaa inay guda galayaan hannaanka soo xulista xildhibaannada oo qayb ka ah dhameystirka dhismaha Galmudug.

Guddoomiyha Guddiga farsamada Maamul u dhisidda Galmudug oo la hadlay Odayaasha saxiixayaasha ayaa kula dardaarmay in ay si cadaalad ah ay u soo xulaan xilldhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Odayaashaan Maanta la xareeyey ay yihiin Odayaasha rasmiga ah ee saxiixayaasha Galmudug.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay ururka Ahlu Sunna oo hore ugaga soo horjeestay qaabka ay wasaarada arrimaha gudaha u wado howlaha dhismaha maamulka Galmudug.