Sheekh Xasan Daahir Aweys oo u xiran dowladda Soomaaliya ayaa muuqaal toos ah oo uu bartiisa Facebook ka soo galay waxaa uu si kulul uga hadlay arrinta ku saabsan siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ee ah inuu ku gefay xadiis ka sugnaaday Nebiga NNKH.

Sheekh Xasan Daahir wuxuu si adag u sheegay in C/raxmaan C/shakuur uu ku dhacay kufri, markii uu ku jees jeesay xadiis ka sugnaaday Nebiga SCW, wuxuuna caddeeyay inuu la mid yahay Salman Rushdi oo meel uu galo la weyn doono haddii aanu towbad keenin, wuxuuna u adeegsaday ereyo aad u culus.

Xasan Daahir oo hadlayay ayaa yiri “Sababtu waxay tahay in xadiis saxiix ah uu ku sheegay wax aan jirin, si kas ah ayuu u sheegay in wadaadadu ay jeebabkooda kala soo baxeen, qadkaas inuu ka cabirana waa kufri, waxaan hubaa inuu garanayo xadiiskaas oo Cabdiraxmaan waxaan u leeyahay aqoon dheer” ayuu yiri Xasan Daahir.

Waxaa uu ku eedeeyay inuu adduunyo-raac yahay oo diinta uu yaqaan balse uu ka raacay adduunyo iyo kursi raadis, wuxuuna ku celceliyey in la iska ilaaliyo C/raxmaan C/shakuur oo diinta Alle ku jeesjeesay, isla markaana gaallada is tusayo.

Sheekh Xasan Daahir ayaa sheegay inuu rajeynayo inuusan wax xil ah qaban C/raxmaan C/shakuur, Allena u sahlin, isaguna inuu maanta karo inuu hadalkan soo saaro.