Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay sameysato mudo kororsi, xili uu gabaabsi yahay muddo xileedkeeda.

Hadal uu ka jeediyay Munaasabadda daah furka Madasha Xisbiyada Qaran ayuu ka sheegay in madaxda xilligan talada dalka heyso looga fadhiyo inay ku dhaqmaan sharciga, wuxuuna Shacabka u soo jeediyay iney iska diidaan wax kasta oo Dastuurka ka hor imaanaya.

“khad guduudan ooo khatar ah oon laga talaabi karin waaye Kororsiimo,fariintaas madaxweynaha bas maku socoto, madaxda kale ee hay’adaha kale ee Dastuuriga ah yaaney ku fikirin, fulay xantiisa ma moogaa la yiri, hay’ad waqtigeeda la dhaafinaayaa majirto, waa la dooranaa, waqtiga yaaney ka dhciinee ololohooda hada ha bilaabeen” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waxaa uu dhinaca kale dhaliilay sida dowladda ay ula dagaalameyso dadka Siyaasada ay wax ku maamusho ka soo horjeedsada, isagoo tilmaamay in dadka ay Siyaasiyan xaq u leeyihiin iney aragtiyadooda cabiraan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu danbeyn madaxda dalka talo ahaan u soo jeediyay iney wixii waaya aragnimo ah weydiistaan Raggii Xukunka uga horeeyay, iyagana diyaar ay u yihiin iney talooyinkooda ku biiryaan.