Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si kulul ugu dhaliilay dowladda Federaalka inay diidan tahay dhaqan gelinta siyaasadda loo dhan yahay.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in kalsooni darada taagan ay keentay in Puntland ay fogaato, isla markaana aan la heyn Jubbaland, isagoo caddeeyay in haddii sidan lagu socdo ay tegi doonaan maamul goboleedyada kale.

Waxaa uu uga digay Madaxda dowladda Federaalka in aysan fogeyn siyaasiyiinta iyo madaxda maamulada oo aysan ku qasbin inay ajnabi taageero u raadsadaan, haddii taas ay dhacdana ay mas’uuliyadeeda qaadi doonaan Madaxda maanta joogta.

Xasan Sheekh ayuu ku baaqay in siyaasadda la furo oo dadka la dareensiiyo inay wax ku leeyihiin, laakiin aan aqol la isku soo xirin oo Koox gaar ah aysan is laheysiin.

“Afka la iskama qaban karo, kalsooni siyaasadeed waa in la abuuro, haddii aan kalsooni la helin Jubbaland lama arkaayo, Puntland lama arki doono, Galmudugna waxa kasoo baxaya wax fiican noqon maayaan,, kuwa kale ee joogana masii fiinaan doonaan”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud oo intaa ku daray inay rabaan dowladnimo la wada leeyahay.

Waxaa uu sheegay in shalay markii uu xukunka hayay la dhaliili jiray, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo uu dhaliili jiray, isla markaana ay tahay taariikh keydsan.

“Shalay markaan joognay waa nala dhaliili jiray.. waxaan ka hadalnay waa nidaamka dowladnimo, madaxweynaha maanta ayaa na dhaliili jiray wixii uu sheegi jiray waa keydsan yihiin, farqiga waxa waaye dhaliisha ayaa maanta la diidan yahay” ayuu yiri Xasan Sheekh oo sheegay inay fursad siiyeen dowladda balse aysan fiirsan karin nidaamka dowladda hadda jira oo wax badan ka khaldan yihiin.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo oo muddo xileedkeeda uu ka harsan yahay sanad iyo afar bilood ayaa wajaheysa cadaadis uga imaanaya axsaabta siyaasadda iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, waxaana dalka xilligan wajahayaa xaaladdii siyaasadeed ugu xoogganeyd.