Waxaa isa soo taraya saameynta kala duwan ee ka dhalatay xayiraadii dhanka duulimaadyada ee la saaray magaalada Kismaayo, iyadoo saameynta ugu badan ay ku yeelatay adeegyadii bulshada lagama maarmaanka u ahaa.

Dadka adeegyada u baahan ee ay saameynta ku yeelatay ayaa waxaa ka mid ah kuwa caafimaad ahaan u soo aadi jiray Kismaayo ee ka imaanayay deegaanada Jubbooyinka, sida Dhoobley, Afmadow iyo deegaano kale oo diyaarado ku imaan jiray.

Sidoo kale saameynta kale ayaa waxay ku yeelatay dadka xaaladaha caafimaad u aada Muqdisho, waxaana la sheegay in maalin walba ay tobanaan ruux ka bixi jireen Kismaayo oo Muqdisho u taga adeegyo caafimaad.

Xayiraada la saaray duulimaadyada Kismaayo ayaa waxay sababeen in daawooyinkii Isbitaalka Guud ee Kismaayo oo ah isbitaalka kaliya ee adeeggiisa yahay lacag la’aan ay daawooyinkii ka noqdeen gabaabsi.

Isbitaalka Guud ee Kismaayo todobaadkiiba labo maalin oo kala ah Isniinta iyo Khamiista ay Nairobi uga imaan jireen diyaarado u sida daawooyin iyo agab kale oo Hey’addaha Sama falka ku taageeraan Isbitaalka, waxaana todobaadkan Isbitaalka soo gaarin daawooyinkii uga imaanayay Nairobo, sababo la xiriira xayiraada dhinaca duulimaadyada ee la saaray Kismaayo.

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Kismaayo ayaa sheegay in Isbitaalka uu qaabilayay muddooyinkii u dambeeyay haweenka dhalmada ah ee dhiig baxa ku dhaca, kuwaasoo laga keeno deegaanada ku dhow dhow Kismaayo, waxaana uu tilmaamay in daawoyinkooda ay gabaabsi yihiin.

Tan iyo 23-kii bishan markii uu soo baxay amarka ah in aanay wax diyaarado ah ka degi karin Kismaayo ayaa waxaa dhaqan galay go’aankaas, illaa hada wax diyaarado kama degin, inkastoo Maamulka Duulista Hawada ay sheegtay in aanay waxba ka jirin inay joojiyaan duulimaadyada Kismaayo.

Si kastaba ha ahaatee xayiraada dowladda Federaalka ay saartay Kismaayo oo ah mid siyaasadeysan ayaa saameynta ugu badan waxaa ku yeelatay qeybaha bulshada ee ka madax bannaan siyaasadda.