Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa uga digay dowladda Federaalka inay ku cadaadiso dadka Soomaaliyeed wax aysan raalli ka aheyn Muxaadarada berri ka dhaceysa magaalada Muqdisho, isla markaana ka digay in aysan dhicin fidno ka weyn muxaadarada berri uu qabanayo Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Axmed Fiqi ayaa sheegay in hadal uu horay u yiri Sheekh Umal uu kiciyay dadka dareenkooda, isla markaana aanay jirin meel uu uga laabtay hadalo horay uga soo yeeray.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wado olole siyaasadeed, , isla markaana uu ka muuqdo olole ay wado aanay diin xambaarsaneyn sida uu yiri.

Waxaa uu ugu baaqay Sheekh Umal in uu dib ugu laabto magaalada Nairobi, maadaama aanu horay u imaan arrin muxaadaro, balse uu arrimo gargaar u yimid sida uu yiri.

Halkan ka daawo Xildhibaan Axmed Fiqi oo la hadlay Telefishinka Somali Cable.

Muqdisho

Xildhibaan Fiqi"Waxaan leenahay Sheekh Umal hadal aad horay u tiri oo aad meel aad uga laabatay la garaneyn ayaa dadka dareenkooda kiciyay, kalimaad diini ah oo aad qaarkood in ay gaalo la shaqeeyaan ku tilmaantay"Xildhibaan Fiqi ayaa sido kale Ololo Siyaasadeed ku tilmaamay Muxaadaro Sheekh Umal la filayo in uu ku qabto Garoonka Eng Yariisoow.

Publiée par Official Somali Cable sur Samedi 23 novembre 2019