Xildhibaano isugu jira labada gole ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo iyadoo xildhibaanadaana ay sheegeen inay goobjoog ka noqon doonaan doorashada lagu wado in toddobaadka dambe ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah xildhinaanada maanta gaaray magaalada Kismaayo ayaa ku eedeeyay dowlada federalka inaysan tixgelin habsami u socodka doorashada ayna dowladu dayacayso federaalnimada uu dalku qaatay.

“Dowladnimadeenni waxay halis ugu jirtaa Al-shabaab,Nidaamkii Federalka ee dalku qaatayna wuxuu halis ugu jiraa madaxda Villa Soomaaliya Joogta,marka anagu waxaan usoo gurmanay Federaalkaas halista ku jira”ayuu yiri xildhibaan Fiqi.

Xildhibaan Fiqi ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in ay matalayaan dowlada federalka xubnaha maanta gaaray magaalada Kismaayo.

“Annaga ayaa dowladda Mataleyna oo doorashada Jubbaland sida ay u dhacayso lasoconeyna,waana nasiib darro in wasaaradda Arrimaha guduhu marba warqad soo saarto”ayuu sii raaciyay hadalkiisa xildhibaan Fiqi.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda ololihii ugu dambeeyay ee doorashada inkastoo uu ka jiro khilaaf dhinacyada ku tartamaya doorashada.

Iyadoo maanta la dhaariyay 75 xildhibaan oo ay guddi doorasho oo taabacsan musharaxiinta ka soo horjeeda Madaxweyne Axmed Madoobe ay magacaabeen.