Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in Hey’addaha Amniga laga doonayo jawaab cad inay ka keenaan wixii Arbacadii la soo dhaafay ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir ee qaraxa ay ku dhinteen Mas’uuliyiintii Gobolka Banaadir iyo dhaawaca Guddoomiyaha Gobolka.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in wax laga naxo ay tahay halka qaraxa ka dhacay oo ah Xaruntii Gobolka Banaadir ee aad amnigeeda loo ilaalinayay, isagoo xusay in aan waxba qiil noqon karin qof ayaa is qarxiyay iyo qarax ayaa goobta lagu diyaariyay.

“Meesha qaraxa ka dhacay ayaa naxdin ah dhismaha aan deganhay qolka aan ka seexdo qof og ayaa i dili kara, haddii uu isoo maago, arrinta dhacday dowladda aad ha u baarto, marna lama qaadan karo qarax lagu xiray iyo qof ayaa is qarxiyay oo meesha galay, sababtaas lama qaadan, karo dadkii ka dambeeyay gacanta halagu soo dhigo
waa fashil aad u xun oo saameyn ku yeelanaya hey’addaheena ah iyaga amniga mas’uul ka ah”ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow.

Waxaa uu sheegay in Amniga Guddoomiye Yariisow ay mas’uul ka yihiin Hey’addaha Amniga, isla markaana aanay qiil noqon karin qof is qarxiyay ayaa xafiiskiisa tagay sida uu hadalka u dhigay.

“Isbuuc ka hor ayaa iigu dambeysay xarunta Gobolka Banaadir, albaabka marka tagay Raadiyaha gacanka ayaa leyga baafiyay, markii aan tagay sida amniga loo adkeynayey awgeed oo waxaa la dhahay “Xildhibaan Jeesoow ma soo deynaa” Nabadoon Caan ah oo ila socdayna waa la iga reebay 15-daqiiqo ayaa baaritaan lagu hayay”ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Waxaa uu sheegay in haddii ay Hey’addaha Amniga ay jawaab deg deg ah ka keeni waayaan ay la xisaabtamayaan.

Qaraxii Arbacadii la soo dhaafay ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir, gaar ahaan Hoolka uu shirka ka socday ayaa su’aalo badan oo fashil amni ah keenay, iyadoo warar is khilaafsan ay ka soo baxayeen qaraxa iyo sida ay meesha wax uga dhaceen oo dhowr warar oo kala duwan suuqa la soo geliyay, iyadoo la sheegay in Haweeney araga la’ ay is qarxisay, balse dadka ay aamini la’yihiin.

Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda qaraxaas, waxaana Afhayeen u hadlay uu tilmaamay in weerarka ay la beegsanayeen Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo saacad ka hor ka baxay Xarunta Gobolka Banaadir oo uu booqasho ku tagay.