Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta yeelanaya kulankii u horeeyay ee kalfadhiga lixaad, kaddib markii 9-kii bishan uu si rasmi ah kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka u furay Madaxweyne Farmaajo.

Kulankan ayaa ka dhici doona Xarunta Villa Hargeysa ee xeyndaabka Madaxtooyada, maadaama xarunta Golaha Shacabka dhowaan dib loo dhisi doono.

Xarunta Villa Hargeysa oo horay u aheyd Hoy iyo Xafiisyada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa dhowaan dib u dhis lagu sameeyay, iyadoo hool ay ku shiri karaan Xildhibaanada iyo xafiis loo qalabeeyay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa kulanka maanta ee Golaha Shacabka ka jeedin doona khudbad uu uga hadlayo howlaha hor-yaala Golaha ee Kalfadhigan lixaad.

Kulamada ugu soo horeeya ayaa la filayaa in la horgeeyo mooshin iska soo horjeeda, sida mooshin laga diyaariyay Ciidamada Kenya iyo Mooshin kale oo laga keenay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad.