Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle ayaa ugu baaqay Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre in uu dib ugu soo laabto Jowhar oo uu kalfadhiga baarlamaanka dib u furo.

Xildhibaanadan oo ku sugan magaalada Jowhar ayaa ku dhaliilay guddoomiyaha baarlamaanka in howshii loo igmaday uusan qabanayn, balse uu hayo howshii golaha wasiirada.

“Baarlamaanka Hirshabelle howlihiisa muddo sanad ah waxba ma qaban, waxaadna moodaa in guddoonka baarlamaanka uu gabay howshiisa.”ayuu yiri xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasin.

Xildhibaan Axmed Bariise Xeydar ahna wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha gudaha Hirshabelle ayaa sheegay in howlaha la kala leeyahay.

“Sharci dejinta waxaa laga doonayaa in ay howlahoodii qabsadaan, sidii fulintii oo kale hadduu u shaqeeyo waa nasiib darro,”ayuu yiri Xildhibaan Axmed Bariise.

Xildhibaan Maxamed Cabdalle oo ah wasiiru dowlaha Wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga Hirshabelle ayaa ku hanjabay in mooshin laga keeni doono guddoomiyaha baarlamaanka haddii uusan dib ugu soolaaban Jowhar oo aan la furin kalfadhigga.

“Guddoomiye baarlamaanka adiguu kuu xiran yahay horena adigaa u tiri waa furan yahay xildhibaanaduna caasimada ayay ku sugan yihiin haddii aad imaan weydana jawaabtedana waad arki doontaa”ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdalla”Deeqow”

Baarlamaanka Hirshabelle oo dhowaan la furay kalfadhigiisii 7aad ayaa wax kulan ah yeelan, iyadoo guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka 2aad ay ka maqan yihiin xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.