Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa ka soo horjeestey habka loo wado dhismaha golayaasha deegaanada qaar ka mid ah deeganada uu ka kooban yahay Hirshabelle.Qoraal ay soo saaray xildhibaanada ayaa waxaa ay u kala direen Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Hirshabeelle, Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeen Hirshabeelle iyo hay’adaha CRD, FCA iyo SSF iyagoo ku muujiyay sida ay u diidan yihiin ugana soo horjeedaan habka uu u socda dhismaha golayaasha deegaanka ee degmooyinka Jowhar, Mahadaay, Jalalaqsi, Buuloburte iyo Beledweyne.

Halkan hoose ka aqriso warsaxaafadeedka ay soo saareen xildhibaanada;

BAAQ DIIDMO KU AADAN DHISMAHA GOLAHA DEEGAANKA EE DOWLAD GOBOLEEDKA HIRSHABEELLE 
Xildhibaanada Beesha Baadicade  ee ku matala Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle waxa ay Shirar iyo kulamo la yeesheen Siyaasiyiinta,Odoyaasha,Ururada Haweenka, Ururada Dhalinyarada,Waxgaradka, Dhaqanka iyo qeybaha Bulshada ka dib safar ay ku tageen Degmooyinka ay daggantahay Beesha, waxa ayna dhageesteen cabashooyin ay qabaan oo ku aadan Dhismaha Golaha Deegaanka.
 Kadib markii aan aragnay arimaha ka socda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ay wadaan Madaxde Sare ee Maamulka Hirshabeelle iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose kuna saabsan Dhismaha Golaha Deegaanka ee labada Gobol Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan, Xildhibaanada Beesha Baadicadde heer Maamul-Goboleed waxaa ay ka digayaan in xiligaan aan laga sameyn karin Gole Deegaan Degmooyinka ay deggantahay Beesha Baadicadde sida Degmada Jowhar, Mahadaay, Jalalaqsi, Buula Burte iyo Degmada Baladweyne.
Kadib markii ay cadaatay in Madaxda Hirshabeelle ay garab mareen hanaanka Dhismaha Guddiyada Madaxa banana gaar ahaan Gudiga dib u heshiisiinta iyo is dhex galka Bulshada kuna xusan dastuurka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cutubka Afaraad: Qodobka 61aad, faraqada 4-aad Xarafka F iyo Gudiye kale oo muhiim u ah dhismaha Golayaasha.
Sidaas darteed, Sababaha ay Xildhibaanada Beesha Baadicadde ku diideen hanaanka guracan ee hadda socda ayaa waxaa ka mid ah:
1. Guud ahaan degmooyinka labada Gobol ee Hirshabella uu ka kooban yahay waxaa ka jiro amni daro baahsan, waana go’doon inta badan.
2. Beesha Baadicadde ma ka fileysa, kumana qabto Kalsooni iyo Caddaalad in ay sameynayaan madaxda ugu sareysa maamulka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
3. Dib u heshiin dhab ah kama dhicin, lamana sameynin Gudiyaddi howlahaan ka shaqeyn lahaa sida isu keenista beelaha wada dego Hirshabeelle si ay ugu heshiiyan dhibaatooyinkii laga dhaxlay intii ay socdeen dagaalada sokeeya.
4. Awood qeybsiga beelaha lagama heshiin sidii ay hab caddaalad ah wax ugu qeybsan lahaayeen si loo dhiso Gole Deegaan oo xalaal ah.
Hadaba, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle  waxaa aan uga digeynaa inuu ka shaqeeyo caddaalad daro, iyo dhibaato hor leh oo ka dhex dhalata dadka deggan Gobolda iyo deeganada aan kor ku soo sheegnay.
Sidoo kale Hay’adaha caalimiga ah ee ku howlan dhismaha golaha deegaanka sida, center for research and dialogue (CRD), finish church aid (FCA), Somali Stability Fund (SSF), iyo hay’adaha kale ee maxaliga ah sida Soyda (LNGO), waxaan uga digaynaa in ay soo fara geliyaan arimaha Degmooyinka ee aan weli ka dhicin dib u heshiisiin dhab ah, mana ka jirin hanaan awood qeybsi oo xalaal iyo cadaalad ku salaysan.
Saxiixayaasha Baaqaan ku aadan diidmada dhismaha Golaha deeggaanka Hirshabeelle. 
1. Xildhibaan Cabdiwaaxid Axmed Cumar (Wadaad yare)
2. Xildhibaan Aadan Odowaa Cumar
3. Xildhibaan Ismaaciil Maxamed Nuur (Cirfiid)
4. Xildhibaan Cabdiladhif Maxamuud Cabdi
5. Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim ( Daqare)
6. Xildhibaan Bashiir Geesey Abiikar (islow Geeseey)