Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka JDP ee uu Hoggaamiyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay ku tumaneyso dastuurka, ayna Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka mid aheyn ciidanka AMISOM u adeegsanayso dano siyaasadeed.

War saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga ayaa si adag lagu cambaareeyay faragelinta dowladda Itoobiya ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya iyo Ciidamada ay ku soo daabuleyso gudaha dalka, gaar ahaan Gobolka Gedo iyo degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

“Waxaa wax lala yaabo ah in dowladda Dhexe xilligan halkii ay ka diyaarin laheyd ciidan qaran oo tayo leh taas oo ka mid ah wajibadkii loo igmaday ciidamadaas oo la wareega amniga dalka si looga kaaftoomo sanadka 20202 sii joogitaanka dalka ee Ciidamada AMISOM, balse taas bedelkeed waxa ay bilowday adeegsiga Ciidamada Itoobiya oo ka baxsan sharciga dowliga ah”ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga JDP.

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka:-