Kulan ay maanta isugu yimaadeen Guddiga Fulinta ee Xisbiga Himilo Qaran ayaa waxaa looga dhawaaqay inay ka joojiyeen Xubinnimadii Xisbiga Xildhibaan C/xakiin Macalin Axmed oo ahaa Xoghayihii Guud ee Xisbiga Himilo Qaran.

Guddiga Fulinta ayaa u cuskaday go’aankan xeerka Xisbiga, iyadoo lagu wado in Golaha Dhexe ee Xisbiga Himilo Qaran uu si rasmi ah u ayido go’aanka Guddiga Fulinta uu soo saaray maanta.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay, kaddib markii Xildhibaan C/xakiin Maalin uu ka hor-yimid war saxaafadeedkii ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran oo qeyb ka ah Xisbiga Himilo ee ahaa Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaray Dhuusamareeb.

Xildhibaan C/xakiin Maalin ayaa beeniyay warka sheegaya Ciidamo Itoobiyaan soo gaaray Dhuusamareeb oo aan ka tirsaneyn AMISOM, isagoo caddeeyay in Ciidamo Jabuutiyaan ah iyo kuwa Itoobiyaan oo ka tirsan AMISOM ay ku sugan yihiin Dhuusamareeb, waxaana uu nasiib darro ku tilmaamay warka aan ka fiirsiga laheyn ee ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa muuqatay in aanay isku aragti ka aheyn Xildhibaan C/xakiin iyo Xisbiga Himilo Qaran qaabka ay socdaan howsha doorashada maamulka Galmudug ee ay garwadeenka ka tahay dowladda Federaalka, iyadoo Xildhibaan C/xakiin uu u ololeynayay Musharax Axmed Qoor Qoor oo ah Wasiiru dowlaha Howlaha Guud, kaasoo ay wadato Xukuumadda.