Xisbiga Ilays oo ka mid ah xisbiyada siyaasadda ayaa baaq ka soo saaray bannaan baxyada maalintii saddexaad ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaasoo ay dhigayaan darawalada gaadiidka, kuwaasoo ka soo horjeeda xirnaanshaha waddooyinka caasimadda.

Baaqa uu soo saaray Xisbiga ayaa waxaa dowladda Federaalka looga dalbaday inay ka jawaabto tabashada dadweynaha, ayna ka qaado jidgooyooyinka sida ugu dhaqsiyaha badan.

Sidoo kale Xisbiga Ilays ayaa ka codsaday bannaan baxayaasha in aysan ku xadgudbin ciidamada, isla markaana aysan dhibaato u geysan hantida guud iyo mida gaarka, isla markaana bannaan baxooda uu noqdo mid amni ah.

Dadka Muqdisho ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka cabanayay xirnaanshaha waddooyinka Caasimadda, iyadoo magaalada qeyb dhan la geliyay khad cagaaran oo aanay wax gaadiid ah soo geli karin, waxaana xaaladaas ay saameyn ku yeelatay dhaq dhaqaaqa gaadiidka kala duwan iyo ganacsiga oo hoos u dhac ku yimid.

Halkan hoose ka akhriso baaqa Xisbiga Ilays.