C/naasir Seeraar Maax oo ahaa ninkii ugu xoogganaa ee Mucaaradka Maamulka Axmed Madoobe ayaa saaka gaaray magaalada Nairobi, isagoo ka soo kicitimay magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in magaalada Nairobi uu ka socdo dadaalo la doonayo in la isugu keeno, laguna wada hadal siiyo Mr Seeraar iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Dadaaladan ayaa socday todobaadyadii u dambeeyay, waxaa la sheegayaa in Ganacsato iyo siyaasiyiin labada dhinac ku heyb ah ay ka shaqeeyeen sidii la isugu soo dhoweyn lahaa Axmed Madoobe iyo C/naasir Seeraar.

Sidoo kale Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa qeyb ka ah dadaalada lagu wada hadalsiinayo Axmed Madoobe iyo C/naasir Seeraar.

C/naasir Seeraar iyo C/rashiid Xidig oo xiriir dhow la leh dowladda Federaalka ayaa ka mid ahaa xubnaha mucaaradka ee hoggaaminayay Golaha Is bedel doonka Jubbaland ee ka soo horjeeday dib u doorashada Axmed Madoobe.