Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ay sii daayeen xoghayihii guud iyo afhayeenkii xisbiga mucaaradka ah ee Wadani.

Xoghayihii guud ee xisbiga waddani Khadar Xuseen iyo Afhayeenkii xisbiga waddani Barkhad Jamac ayaa la sii daayay iyadoo aan wax maxkamad ah la geyn.

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro ayaa soo dhaweeyay soo deynta masuuliyiinta ka tirsan xisbiga Wadani.

Mas’uuliyiintan ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ayaa la xirey kadib markii uu guddoomiyaha xisbigaasi ku dhowaaqay dhowaan banaanbax loogaga soo horjeedo Maamulka Somaliland.