Ergo ka socota degmada Warsheekh ayaa maanta ku dooratay magaalo xeebeedka Warsheekh Golaha Deegaanka degmadaas oo ka kooban 21 xubnood oo shan ka mid ah ay yihiin dumar.

Doorashada Golaha deegaanka ee degmada Warsheekh ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dowladaha hoose ,Guddoomiyaha Gobolka Shabelaha dhexe,xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Ergo ka kooban 105 ruux ayaa dooratay xubnaha golaha deegaanka iyada oo si lamid ah la dooranayo Guddomiyaha Golaha deegaanka Iyo ku xigeenkiisa ee Degmada warshiiiq

Odayaasha dhaqanka degmada ayaa si weyn u soo dhoweeyay Dhismaha Golaha deegaanka oo laga hirgeliyay degmada Warshiiq oo noqoneyso degmadii ugu horreysay ee laga hirgeliyo Golaha Deegaanka.