Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka ee dowladda ayaa joojisay qorista shaqaale cusub, kaddib amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Qoraal ka soo baxay Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo ku taariikheysnaa 24-ka bishan November laguna socodsiiyay dhammaan hey’addaha dowladda ayaa lagu wargeliyay in aan la qori karin illaa amar dambe qorista shaqaalaha isku bedelka ee ka yimaada Hey’addaha iyo wasaaradaha ee leh qoondo miisaaniyadeed iyo aanan laheyn intaba.

Wasaaradaha iyo Hey’addaha dowladda ayaa lagu wargeliyay in lagu soo wargelin doona xilliga ay munaasibka noqoto, balse inta ka horeysa la joojiyay qorista shaqaale cusub.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa socday tirakoob ku socday shaqaalaha Hey’addaha dowladda, taasoo ah markii labaad oo dowladdu ku sameyso diiwaan gelin shaqaalaha rayidka ee wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowaan ansixiyay miisaaniyaddii ugu bandeyd taariikhda, gaar ahaan miisaaniyadda sanadka 2020 oo gaareysa $459.5 Milyan, iyadoo la filayo in Baarlamaanka meel mariyo si ay u dhaqan gasho, hase ahaatee waxaa su’aal kala duwan laga keenay miisaaniyaddaas iyo qaababka lagu salleeyay oo aanay ku caddeyn shaqaale cusub oo la qorayo.