Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay inay maanta soo xirantay mudadii ay Odayaasha dhaqan u heysteen inay ku soo gudbiyaan Liiska xubnaha u tartamaya kursiga Xildhibaannimo ee Baarlamaanka soo socda.

Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland Xamse Cabdi Barre oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in muddo ku siman 20 cisho ay odayaasha dhaqanka ku soo afmeereen sidii ay u soo xuli lahaayeen Saddexda qof ee kuraasta baarlamaanka ku tartameysa.

Saddexdan qof ayaa mid ka mida waxa uu yahay Xildhibaanka kursiga difaacanaya, waxaana lagu soo daray oo kaliya laba ruux, iyadoo qorshahan hore walaac ay uga muujiyeen musharixiinta doorashada dooneysa iney ka qeyb gasho.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Guddigooda ay diyaariyeen habraacii loo mari lahaa sidii doorasho loogu qaban lahaa saddxedan xubnood, si mid ka mid ah uu u noqdo Xildhibaanka ka midka noqonaya baarlamaanka labaad uu maamulkan yeesho tan iyo markii la dhisay sanadkii 2013.

Jadwalka uu Guddiga soo saaray waxaa hore loogu caddeeyay in soo xulista iyo soo gudbinta xubnaha Baarlamaanka ay bilaaban doonto inta u dhaxeysa 16 July illaa 6 bisha Agosto oo shalay ku beegneyd, si doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland loo qabto 18-ka Agosto.