Somaliland oo dalal shisheeye ku eedeysay iney carqaladeynayaaan amnigooda.

August 02 (Jowhar.com)-Wasiirka Xanaannada Xoolaha Somaliland Siciid Sulub Maxamed, ayaa dalal shisheeye ku eedeeyay abaabul ka dhan ah colaad lakala dhex dhigo mucaaradka iyo xukuumaddda, ujeedka laga leeyahayna ay tahay si nabadgalyo daro loo abuuro.

Inkastoo aanu sheegin dalalka fowdadaasi abaabulaya, waxa uu tilmaamay in qorshaha yahay in wadamadaasi qaska wada ay doonayaan iney kala dhex galaan mucaaradka iyo xukuumadda marka xaaladdu meel adag ay gaarto.

“Hadii dowlado ajinabi ahi waxay inala jecel yihiin ee xumaana cid kale la inoo soo kiraysto waa ayaan daro … anuu maalin dhawayd warbaan maqlay la leeyahay mucaaradka waxay ku yidhaahdeen gaalada qaar … meeshu waa iska nabade hadad doonaysaan in aanu idin kala qabano dab shida” ayuu yiri wasiir Sulub.

Waxa uu dhinaca kale soo hadal qaaday in mucaaradka xaq ay u leeyihiin iney shucuurtooda muujiyaan oo ay banaanbaxyo nabadeed dhiggaan, wuxuuse saluug ka muujiyay hanaanka ay u marayaan raadsashada xuquuqdooda Dastuuriga ah.

“Waxna daw ayaa loo leeyahay, waxna waa daw daro, inta dawga loo leeyahay ee muranada siyaasadu keenaan, ee olloluhu keeno, anaa kaa fiican iyo anaa kaa fiican, anaa ku haboon iyo anaa ku haboon, doorkan anaa meesha tagay, waa tartankii xalaasha ahaa ee aynu ku talo galnay, wixiise dheerada ee dhib inoo keenay, in aynu ka taxadarno” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Sulub.

Si kastaba, Somaliland wali waxaa ka taagan buuqa ka dhashay daaha doorashada, qorshaha ayaa ah iney qabsoonto 13-ka November, balse ma muuqato wax diyaar garoow ah, iyadoo hoggaanka xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID ku goodinayaan iney banaambaxyo aan kala joogsi leheyn gobolada Somaliland ka sameynayaan, hadaanu xukuumadda madaxweyne Biixi doorashada waqtigeeda aysan ku qaban.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More