Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta oo kala saxiixday heshiis Milatari.

Jan. 05 (Jowhar.com)-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa shaaciyay heshiis uu la gaaray dowladda Imaaraatka Carabta, kaasoo taabanaya dhinacyada Milatariga iyo Amaanka, si la isaga kaashadi dagaalka Shabaab.

Dowladda Imaaraatka Carabta waxaa heshiiskan u saxiixay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta Mohamed Bin Ahmed Al Bowardi.

Wasiirka oo haatan howlo shaqo u jooga magaalada Abu Dubai ayaa sheegay in heshiiskan uu ku qotomo xiriirka soo jireenka ah ee labada waddan, uuuna ka tarjumayo madax-bannaanida, gobannimada iyo danaha isku soohan ee labada qaran ee walaalaha ah.

“Waxaan heshiis iskaashi oo dhanka milatariga, amniga iyo ladagaallanka argagixisada khuseeyo la saxiixannay maanta dowladda aan walaalaha nahay ee Isutagga Imaaraadka Carabta.Heshiiskan ayaa waxa uu ku qotomaa xiriirka soojireenka ah ee labadeenna dal, waxa uuna ka tarjumayaa madaxbannaanida, gobannimada iyo danaha isku soohan ee labada qaran ee walaalaha ah” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo faah faahiyay.

Sida wararku sheegayaan, heshiiskan oo kusoo aaday xili dalka oo dhan uu ka socdo dagaal ka dhanka ah Shabaab, wuxuu heshiiska kor u qaadayaa awooda difaaca qaranka, wuxuuna door fir-fircoon ka ciyaarayaa dagaalka Shabaab oo guulo waaweyn laga gaaray bilihii la soo dhaafay.

“Heshiiskan ayaa waxa uu kor u qaadayaa awoodda difaac ee qaranka soomaaliyeed, waxa uuna gacan weyn ka geysan doonaa dagaalka argagixisada looga ciribtiraayo Soomaaliya” ayuu hasalkiisa sii raaciyay Wasiir Jaamac.

Si kastaba, Imaaraatka Carabta oo kaalin ku lahaa isbedelkii dalka ka dhacay 15-kii May ayaa taageero dhinacyo kala duwan leh siisa dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana haatan dib usoo laabtau saameyntii ay ku leheyd dalkan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More