Soomaaliya oo si rasmi ah ugu guuleysatay Kursiga Golaha Ammaanka

General view of a moment of silence for former U.S. Secretary of State Madeleine Albright during the United Nations Security Council meeting, amid Russia's invasion of Ukraine, at the United Nations Headquarters in New York City, New York, U.S., March 23, 2022. REUTERS/Mike Segar REFILE - CORRECTING MEETING

June 06(Jowhar.com)- Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay ka mid noqoto shanta xubnood ee cusub ee buuxinaya kuraasta aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inta u dhaxeyso sanadka 2025 iyo 2026-ka.

Golaha ayaa maanta u codeeyay shanta da ee kala ah Soomaaliya,Pakistan, Denmark, Greece iyo Panama, waxayna wixii maanta ka bilowdo si rasmi ah uga mid noqdeen xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay,Soomaaliya ayaa xubin aan joogta ahayn ka noqtay golaha,Iyadoo ku matali doonto labada sano ee soo socota qaarada Afrika.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku kala nool dal iyo dibad ayaa Dowladda Soomaaliya ku bogaadiyay hannashada kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay,waxayna tallaabadan si gaar ah ugu ammaaneen madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha JFS oo juhdi badan geliyay sidii maalintan taariikhi ah loo xaqiijin lahaa.

Dowladda federaalka ayaa dadaal xooggan gelisay sidii ay kursiga aan joogtada ahayn ay ku heli lahayd,Soomaaliya iyo 4-ta dal ee kala ah Denmark,Greec,Pakistan iyo Panama ayaa waxay badali doonaan kuwii horay ugu fadhiyay kuraasta ee kala ah Mozambique,Switzerland,Malta,Japan iyo Ecuador.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More