Swan oo kulamo xasaasi ah la qaatay Farmaajo iyo Sh Shariif

June 09(Jowhar.com)- Kusimaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxweynayaashii 7-aad iyo 8-aad ee dalka, isagoo kala hadlay arrimo la xiriira xaaladda dalka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska UNSOM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulanka hore uu dhexmaray Shariif Sheekh Axmed iyo Swan, iyadoo diirada lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka uu xiligan ku sugan yahay.

” Waxay ka wada hadleen horumarada dalka ka socda iyo sida loo sii ambaqaadi lahaa horumarka jira” ayaa lagu yiri qoraalka.

Isagoo sii wada xiriirada uu la samaynayo daneeyayaasha Somaaliyeed ayuu Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan sidoo kale khadka taleefoonka wuxuu kula hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” oo ay ka wadahadleen is baddalladii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo fursadaha lagu horumarinayo mudnaanta Qaranka.

Macluumaadka ayaa intaasi kusii daraya in dhinacyadan lagala hadlay muranka dooraahooyinka soo socda oo ah howsba ugu weyn ee loosoo magacaabay mar kale James Swan, wuxuuna ka dhageystay talooyinkooda ku aadan hanaanka dalka doorasho looga qaban karo.

Wuxui sidoo kale kala hadlay dagaalka ka dhanka ah Shabaab oo dowladda madaxweyne Xasan ka gaabisay iyo xiriirka sii xumaanaha ee madaxtooyada kala dhexeeya dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Swan ayaa lagu wadaa inuu u safro xarumaha dowlad goboleedyada, isagoo dhawaan Golaha Amaanka warbixin kasiiyay xaaladda guud ee dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More