Taliyaha booliska Jabuuti oo soo gaaray Muqdisho

Dec 19 (Jowhar.com)-Wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Boliiska dalka jabuuti G/lle sare Cabdiraxmaan Cali Kaahin ayaa goordhow soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaana si weyn usoo dhaweeyey Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska General Cismaan Cabdullaahi Kaniif iyo saraakiil kale.

Safarka Taliyaha ayaa la xiriira ka qeyb galka Munaasabadda weyn ee 80 sano guurada aas aaska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ku beegan Maalinta Berrito ah 20 December.

G/lle sare Cabdiraxmaan Cali Kaahin oo si ko9ban wqrbaahinta ula hadlay ayaa sheegay inuu ku fataxsan yahay imaatinkiisa Muqdisho, wuxuuna amaanay sida loo soo dhaweeyay.

” Muqdisho waxaa iigu dambaysay 1987 farxad gaar ah ayey ii tahay in aan maanta dib ugu soo laabtay dalkayga” ayuu yiri taliyaha.

Wafdiga taliyaha ayaa loo galbiyey xarunya Taliska ee Komaanda Boliisiya si halkaas uu ugu qaabilo Taliyaha Ciidanka Boliiska General Sulub Axmed Firin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More