Taliyayaasha Milatariga Soomaaliya iyo Talyaaniga oo wadahadal ku yeeshay Roma

June 05(Jowhar.com)- Taliyaha Ciidanka XDS Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo wehliyo Taliyaha ciidamada Dowladda Talyaaniga ayaa ubax dhigay Taallada Daljirka ee Italy loona yaqaan Taallada geesiyaashii Ciidamada Talyaaniga.

Munaasabad si weyn loo agaasimay oo halkaas loogu dhigay wafdiga uu Hogaaminayay Taliyaha ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidamada Milateriga Dalka Talyaaniga Admiral Giuseppe Cavo Dragone.

intaa ka dib Taliyaha Ciidanka XDS ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Taliyaha guud ee ciidamada dalka Talyaaniga Admiral Giuseppe Cavo Dragone ayaa ka wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii Dowladda Talyaaniga ay garab buuxda u siin laheed dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More