Taliye Kuxigeen ciidan oo lagu dilay dagaal ka dhacay magaalada Cabudwaaq

Jun 08(Jowhar.com)-Taliye kuxigeenkii Saldhiga Booliiska Caabudwaaq juujuule ayaa ku dhintay dagaal ka socda waqooyiga Galgaduud.

Wararka la helayo ayaa intaasi kusii daraya in marxuumka uu dhintay xili Ciidamada BooliisKa Galmudug ay ku howlanaayeen in ay Kala dhex galaan maleeshiyaadka dagaalamaya ee kasoo Kala jeeda Xeraale iyo Caabudwaaq.

Meydka marxuumka ayaa la keenay saldhigga, waxaana halkaasi ka taagan xiisad kacsanaan ah.

Dhowr askari oo Booliiska ka tirsan ayaa iyagana ku dhaawacmey goobtaasi, waxaana halkaasi ku baxey ciidamo ka kala yimid saldhigyada kale ee Booliiska oo isku dayaya in dirirtan la joojiyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More